Xiriiro laga helay diyaaradda maqan

Lahaanshaha sawirka
Image caption Markab raadinayo diyaaradda Malaysia

Angus Houston oo ah madaxa kooxda Australia ee raadinayo diyaaradda luntay, ayaa sheegay inay heleen xiriiro iyo codad kaloo dheeri ah oo ka imaanayay qalabka wax duubo xilliga diyaaradda ay duuleyso.

Mr Houston ayaa tilmaamay in Markab ay Australia leedahay inuu laba qad ka helay isla meeshii hore ee xiriirada laga helay.

Waxa uu intaa ku daray in isgaarsiinta ay heleen ay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan qubaro gaar ah.

Balse waxa uu qiray in kooxda ay u baahan yihiin inay xaqiijiyaan barburka ay helaan ee la doonayo in lagu ogaado meesha ay ku dambeysay diyaaradda Malaysia ee lawaayay.

Diyaaradda ayaa la waayay 8-dii bishii Maarso, waxaana la socotay 239 qof.

Waxay ka duushay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, waxaayna ku socotay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Saraakiisha dalka Malaysia ayaa sheegay in waxyaabaha ay helayaan ay cadeyn u tahay in diyaaradda ay ku dambeysay koofurta badda Hindiya, halkaas oo kumannaan kilomitir u jirto meeshii ay ku socotay.