18 qof oo ku dhimatay qarax Pakistan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Suuq qarax ka dhacay

Qarax qasaaro weyn geystay ayaa ka dhacay suuq lagu iibiyo qudaarta oo ku yaala duleedka caasimada Pakistan ee Islamabad.

Waxa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 18 qof, sida ay sheegeen Booliska dalka Pakistan.

Waxay sheegeen in qaraxan oo xooganaa uu ka dhacay meel ku dhow suuqa saaka aroortii. Dad aad u badan ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Waxa lagu soo waramayaa in suuqa uu ahaa mashqiuul xilligii u dhacay qaraaxa

Qaraxa ayaa dhacay maalin kaddib markii 13 qof ay ku dhinteen weerar ay soo qaaday koox gooni goosad ah ee gobolka Baluchistan.