Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali dib loogu celiyey Soomaaliya

Tiro Soomaali ah oo ka mid ah kumanaan dhawaan lagu xiray Kenya ayaa maanta dib loogu celiyey Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkan ay dalbadeen in dib loo celiyo.

Howlgal amni oo ay sameeyeen baliiska Kenya ayaa lagu soo xiray in ka badan 3,000 qof oo Soomaali u badan.

Weriyaha BBC-da Maxammed Ibraahim Mucallimuu ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah dadka la celiyey maanta.