Man U iyo Barcelona o laga adkaaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Bayern Munich

Kooxda Manchester United ayaa rajadeeda ay u dhamaatay, kadib markii xalay laga reebay ciyaaraha Chmpion ka ee qaaradda Yurub.

Man U oo xalay la ciyaartay Bayern Munich, waxay dooneysay in afar dhamaadka ciyaaraha ay u gudubto. Waxay u ahayd guul markii ay gool kala hormareen Bayern Munich oo gudrigeeda lagu ciyaaraayay.

David Moyes ayaa Bayern ku celiyay barbardhac 1-1 ah lugtii koobaad ee ciyaarta, wuxuuna aaminay inuu guuleystay markii gool uu u dhaliyay Patrice Evra.

Balse Mario Mandzukic ayaa Man U niyad jebiyay markii uu goolka bareejada ka dhaliyay, waxaana Bayern ay sare u kacday markii gool ka labaad u dhaliyay Thomas Muller.

Arjen Robben ayaa ku dabaal degayo guul 4-2 ah marka la isku daro labada kullan ee Man U ay la yeesheen.

Manchester United oo horey looga soo reebay inay kamid noqoto afarta koox ee ugu sareyso horyaalka Premier League, FA Cup iyo League Cup ee Ingiriiska, waxay ahayd fursadii ugu dambeysay ee Moyes inuu u gudbo Semi-final ka Champions League-ga, laakiin niyad jab weyn ayey ku noqotay inuu gaari waayo halkii uu doonayay inuu gaaro.

Dhanka kale, kooxaha ko loolamaya horyaalka Spaine ayaa nasiib u yeeshay inay ku kulmaan horyaalka Yurub.

Atletico Madrid oo hogaamineyso ciyaaraha Spain ayaa Barcelona ka reebtay inay semi-final ka u gudubto kadib markii ay 1-0 ay uga adkaatay.

Is-aragii koobaad ayey labada koox ku kala bexeen 1-1 taasoo fursad u siisay Atletico Madrid inay u gudubto Semi-finalka.

Manchester United iyo Barcelona Ayaan hadda kamid ahayn kooxaha Semi-final ka ciyaarayo.

Chelsea ayaa kamid ah kooxaha u gudbay qeybaha ugu dambeeyo ee champions league.