Kenya: Shaqaale gargaar ayaan soo furanay

Kenya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Militeriga Kenya oo sheegay in laba nin oo la haystay ay soo badbaadiyeen

Ciidammada Kenya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen labo nin oo u dhalatay dalkeeda oo la sheegay in la afduubay sanadkii 2011-ka.

Militeriga Kenya ayaa sheegay in labadan nin ay baaritaan caafimaad marayaan magaalada Dhobley, ka hor intaan loo soo gudbin magaalada Nairobi, laba maalmood kaddib.

Daniel Njuguna iyo James Kiarie ayaa u kala shaqeynayay hay'adaha MSF iyo Care International ka hor intaan la afduubin, sida nuu sheegay militeriga Kenya.

Hay'adda MSF ayaa sheegtay in aysan xaqiijin karin in mid ka mid ah raggan uu u shaqeynayay.

Dabayaaqadii bishii labaad ee February, ayay Al-Shabaab internet-ka soo geliyeen muuqaal muujinayay labadan nin oo lagu dhawaaqay in la sii daayay kaddib markii ay "qaateen diinta Islaamka".

Madaxda Al-Shabaab ee goobtaas ka hadashay ayaa sheegay in raggaas ay xor u yihiin inay ku noolaadaan goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan