Xiriirka ummadaha Soomaalida iyo Tutsiga

Rwandan school children Lahaanshaha sawirka
Image caption Carruurta dugsiyada dalka Rwanda

Dalka Rwanda, waxaa caadi iska ah in Soomaalida iyo Tutsiga oo muuqaal ahaan isu dhaban eg ay isku khaldamaan.

Haddii aad tahay Soomaali oo aad dhex socotid magaalada Kigali ma aha la yaab in qof Tutsi ah uu kugu salaamo luuqadda Kinyarwanda.

Inkastoo luuqad ahaan ay ku kala duwan yihiin Soomaalida iyo Tutsiga, deegaankana ay ku kala fog yihiin, haddana waa dad isku muuqaal eg.

Soomaalida ayaa rumeysan in qabiilka Tutsiga uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaali balse uu qarniyo hore ka soo tallaabay xuduudda kaddibna guursaday qowmiyadaha kale ee Afrikaanka ah.

Ilaa hadda ma jirto cilmi baaris ama taariikh rasmi ah oo caddeynaysa arrintaasi balse qaar badan oo ka tirsan Tutsiga ayaa iyaguna rumeysan inay ka soo jeedaan geeska Afrika.

Waxgaradka Tutsiga ayaa kuu sheegaya in ay ka soo jeedaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea balse arrinta la yaabka leh ayaa ah in Tutsigu ay haddana isu arkaan inay ka mid yihiin qowmiyadaha Bantuga la isku yirahdo oo Soomaalida, Itoobiyaanka iyo Eritrean-ka aysan qayb ka ahayn.

Sidoo kale dad badan oo Soomaali ah ayaa rumeysan in ay asal ahaan ay carab ka soo jeedaan, arrintaasi oo shaki gelin karta inuu wax xiriir ah kala dhexeeyo Tutsiga.

Qabiilka Tutsiga waxay degaan dalalka Rwanda, Burundi iyo xudduudaha dalalka Uganda iyo Kongo. Kaasina waxaa uu ahaa maqaalkii weriyaha BBC-da Xasan Cali Geelle oo haatan ku sugan xarunta dalka Rwanda ee Kigali oo ka hadlayay arrin mararka qaar dhacda in Soomaalida iyo Tutsiga la isku khaldo.