UN oo nabad ilaaliyayaal u direyso CAR

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Bangui

Golaha ammaanka ee Qaramada Midobey ayaa u codeeyay in 12 kun oo nabad ilaaliyayaal ah lageeyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Hadda waxaa dalkaasi kusugan Lix kun oo nabad ilaaliyayaal Afrikan ah iyo Laba kun oo ka socdo dowladda Faransiiska, kuwaas oo isku deyaaya inay nabad iyo kala dambeyn kusoo celiyaan dalkaasi oo ay ku dagaalamayaan kooxo hubeysan oo Muslimiin iyo Masiixiyiin kala ah.

Safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobey Gerard Araud ayaa sheegay in codeynta ay ahayd mid muhiim ah, balse inaysan jirin xal waqti yar lagu gaari karo.

Mr Gerard Araud ayaa intaa ku daray in ay adagtahay in kala dambeyn lagu soo celiyo dalkaasi oo dagaalkiisa uu ku salaysan yahay diin.

Edmond Mulet, oo ah madaxa ciidamada nabad ilaaliyayaasha ee Qaramada midoobey ayaa BBC u sheegay inay afar bil qaadaneyso in ciidamadaasi loo daadgureeyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Balse waxaa jiro cambaareyn ah in Qaramada midoobey ay si gaabis ah u wajahday xaaladda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Agaasimaha Guud ee kooxda Xuquuqul Insaanka ee UN ka - Philippe Bolopion – waxa uu sheegay in Muslimiin badan ay qexeen si ay uga badbaadaan rabshadaha dalkaasi ka taagan.