Crimea: Cunna qabateynta Mareykanka

Image caption Putin and Obama

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunna qabateyn cusub oo la xiriirta qaadashada Ruushka ee gobolka Crimea.

waxaa bartilmaamed ka cunna qabateynta uu ku wajahan yahay lix qof iyo shirkad gaaska ka shaqeyso oo xurun u ah gobolka Crimea.

Waa wareegii sedexaad oo cunaqabateeno ah oo maraykanka uu saaro Ruushka isagoo ka duulaya mushkiladda ka taagan dalka Ukraine.

Cunaqabateenadii hore ayaa waxa lagu bartilmaamaydsaday gannacsato iyo sarakiil ka tirsan xukuumada Ruushka.

Hadda, wasaaradda maaliyadda ee maraykanka waxay cunaqabateenadan cusub ku bartilmaamaydsatay oo ay xayiraad ku soo rogtay hantida maraykanka u taala mid ka mid ah sarakiishii hore ee Ukraine.

Dadka la cunna qabateeyay waxay kusugan yihiin Crimea waxaana kamid ah madaxa guddiga doorashada ee Crimea iyo Duqa magaalada Sevastopol ee Crimea.

Cunaqabateenadan cusub ayaa waxay sidoo kale taabanayaan shirkad ka mid ah kuwa gaaska ee dalka Ukraine oo hantideedu uu horay ula wareegay maamulka laga sameeyey Crimea.

David Cohen, xoghayihii hore ee waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay in Crimea ay tahay gobol xoog lagu qabsaday, maraykankana uu sii wadi doono in uu tallaabooyin ka qaado kuwa ku xadgudbaya madax banaanida dalka Ukraine.

Cunaqabateenadan cusub ee uu soo rogay maraykanka ayaa imaanaya maalma yar ka hor inta aanan la qaban wadhadalada afar geesoodka ah ee u dhaxeeya Ukraine, Ruushka, Midowg Yurub iyo maraykanka.