Pakistan oo ka noqotay dacwadda ilmo yar

Wiilka 9 bilood jir-ka ee maxkamadda la horkeenay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wiilka 9 bilood jir-ka ee maxkamadda la horkeenay

Maxkamad ku taalo dalka Pakistan ayaa ka noqotay dacwad lagu soo oogey ilmo da'diisu ay tahey 9 bilood kaas oo lagu eedeeyey isaga iyo 12 qoyskiisa ah in ay ku lug lahaayeen dil.

Muxammad Musa Khan ayaa la hor keeney maxkamad ku taalo magaalada Lahore markii labaad denbiyo ah in ay qorsheynayeen dil sargaal baliiska ka tirsan.

Inkasta oo da'diisu ay yartahay , haddana Muxammed Musa Khan waxa uu ka mid ahaa 30 qof oo lagu eedeeyey dembi ah in ay isku dayayeen in ay dilaan askar buliis ah waqti ay jireen iska horimaadyo ka dhacay magaalda Lahore.

Mudaaharaadyadaas waxaa looga cabanayey la'aanta adeegyada gasska iyo korontada ee magaalada.

Balse garsooraha ayaa sheegay in ay khalad aheyd in dacwaddan la keeno maxkamadda.

Madaxda baliiska ayaa hore u sheegey in ay amreen in talaabo laga qaado sargaalkii baaritaanka waday.

Dacwaddii lagu heystay xubnaha kale ee qoyska Musa halkeedii ayey ka socon doontaa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan