Xiisadda bariga Ukraine oo kacsan

Rag hubeysan ayaa qabsaday dhismaha xarunta nabadsugidda ee magaalada Slaviansk ee bariga Ukriane wax yar ka hor markii ay la wareegeen saldhigii baliiska ee magaaladaas.

Nin u hadlay ciidanka baliiska ayaa sheegay in rag badan oo hubeysan oo xiran labiska tuutaha ay qabsadeen saldhigii baliiska. Waxa fureen qiiqa indhaha ilmada ka keena.

lama garanayo cidda ay ka amar qaataan, balse waxaa loo maleynayaa in ay yihiin xoogaga taabacsan ruushka.

Dhinaca kale, Dad gaaraya illaa iyo 1,500 oo qof oo sitay calanka Ruushka ayaa socod ku tagay xarunta ciidanka baliiska ee Magaalada Donetsk ee bariga Ukriane. Waxa ay ku hanjabeen in ay gali doonaan dhismaha,haddii uusan is-casilin taliyaha baliiska.

Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Andrei Deshchytsia ayaa ka codsaday dawladda Ruushka in ay joojiso 'tallaabooyinka daandaansiga' ee ay wadaan dadka u adeegaya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan