Wadahadalka Pakistan-Taliban oo furmaya

Lahaanshaha sawirka AP

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan, Chaudhry Nisar Ali Khan, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in wareega xiga ee wadahadalada tooska ah ee ay xukuumadiisu la leedahay ururka Taalibaan, ay furmi doonaan maalmaha soo socda.

Labada dhinac ayaa markii ugu horeysay wadahadallo toos ah yeeshay, waxaana ay dowladda Pakistan filaysaa in wadaxaajoodkaasi xal looga gaari karo kacdoonka Taalibaanka Pakistan.

Xabad joojin uu dhawaan shaaciyay ururka Taalibaanka Pakistan, oo ka dhalatay wadahadalkii tooska ahaa ee uu la yeeshay xukuumadda Pakistan, ayaa waqtigeeda uu ku ekaa Khamiistii lasoo dhaafay.

Taalibaan ayaan weli shaacin in ay waqtiga u kordhisay xabad joojintaasi.

Balse wasiirka arrimaha gudaha oo warfidiyeenada la hadlay, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in colaadda ay dhamaato, waxaana uu tilmaamay in ay yaraadeen tirada weeraradda maalin waliba dhaca.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ururka Taalibaan uu beeniyay in uu ka dambeeyay, qarax todobaadkii lasoo dhaafay lala beegsaday suuq lagu iibiyo khudaarta oo ku yaalla Islamabad, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof, waxaana uu sheegay in baaritaan la sameeyay aan weli lagu ogaan cidda qaraxaasi fulisay.

Waxaa uu beeniyay in wadahadalka ay la bilaabeen Taalibaan uu socon la’ yahay, waxaana uu sheegay in labada dhinac laga filayo soo bandhigida ajandahooda wax ku oolka ah kulanka soo socda.

Dowladda ayaa fahansan in shacabka qeyb ka mid ah ay ka xun yihiin qaabka uu wadahadalka u dhacayo, iyo in fursado badan la siinayo Taalibaanka.

Arrinta siideynta maxaabiista laga hayo Taalibaan ayaa ah mid caqabad ku noqon karta hannaanka wadaxaajoodka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan