Suuriya: Eedaymo in sun la adeegsaday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gawaarida Qaramada Midoobay ee qaadaysay kooxda khubarada hubka kiimikada ee booqanayay waddanka Suuriya dabayaaqadii 2013--ka

Dowladda iyo mucaaradka waddanka Suuriya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay u isticmaaleen gaaska sunta ah weerar Jimcihii ka dhacay meel tuulo ah oo ka tirsan gobolka Xamaa.

TV-ga qaranka ee waddanka Suuriya ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Nusra Front ay weerar ku qaadeen deegaanka Kafr Zita ee ka tirsan gobolka Xamaa, weerarkaasi oo ay ku dhinteen laba qof tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Telefishinka ayaa intaa waxa uu ku daray in ay hayaan xog ku saabsan in kooxda Nusra Front ay qorsheynayso in ay weeraro ku qaado laba magaalo oo kale.

Hasayeeshee kooxaha mucaaradka ayaa soo xigtay dhakaatiir sheegay in weerarka ay soo qaadeen diyaaradaha dowladda uuna sababay inay dad ku sumoobaan.

Ma ay jirto cid si madax banaan u xaqiijisay sheegashada labada dhinac.

Rami Cabduraxmaan oo ka tirsan Kooxda Iliilinta Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha xukuumada ay ku duqeeyeen deegaanka Kafr Zita fuustooyin ay ka buuxaan walxaha qarxa taasoo keentay in qiiq ka dhashay ay dadka ku caburaan oo ay ku sumoobaan.

Bishii Agoosto ee sanadkii tagay, weerar loo adeegsaday hubka kiimikada ah oo ka dhacay meel u dhaw caasimmada Dimishiq ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa ku eedayay dowladda Suuriya in ay ka dambeysay weerarkaasi, waxaana wadammada reer galbeedka ay ku sigteen in ay weerar cirka ku qaadaan ciidammada dowladda ee uu hoggaamiyo Bashaar Al-Asad.

Dowladda Suuiya ayaa markaasi kaddib ogolaatay in ay bur buriso hubkeeda kiimikada ah, waxaana ay sidaasi uga baaqsatay weerar kaga iman lahaa wadammada reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan