Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daadad ku dhuftay Dar es Salaam

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay magaalada Dare Salaam ee waddanka Tanzania, kaddib markii ay daadad ku fataheen, daadadkaasi ayaa waxa ay ka dhasheen roobab dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi ka da'ayay.

Waxaa go'an inta badan wadooyinka magaalada ku xira qeybaha kale ee dalkaasi.

Cabdulqaadir Sheekh Xasan Maxamud waa Soomaali degan magaalada Dare Salaam, waxaana uu khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.