Ukraine: Saldhigyo booliska laga qabsaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rag hubeysan oo gacan saar la leh Ruushka oo la wareegay saldhigyo ku yaal bariga waddanka Ukraine.

Maleeshiyaad taageersan Ruushka ayaa qabsaday saldhigyo ay booliska ku leeyihiin magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kramatorsk, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa iyo warbaahinta maxaliga ah.

Qabsashada xarumaha booliska ayaa waxaa xigay rasaas ay isweydaarsadeen booliska iyo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale Sabtidii shalay aheyd waxa ay qabsadeen xarumo ay dowladda ku leedahay gobolka Donetsk.

Isku dhacdayada ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka dhex aloosan dowladda cusub ee Kiev iyo dibad baxayaasha taageersan Ruushka.

Bariga Ukraine ayaa waxaa ku nool dad badan oo ku hadla luuqada Ruushka, waxaana tan iyo markii xilka laga qaaday Madaxweynihii Ukraine, Viktor Yanukovych, bishii February sii kor dhayay dibad baxyada ka dhacaya qeybtaasi Ukraine.

Dowladda cusub ee Kiev ayaa ku eedeyneysa xukuumadda Moscow in ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Bariga Ukraine, eedeyntaasi oo ay beenisay Moscow.

Bar internet-ka ah oo laga leeyahay magaalada Kramatorsk ayaa shaacisay in kooxaha qabsaday saldhigyada booliska, ay halkaasi ka taageen calanka jamhuuriyadda Donetsk.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan