Maxkamadda wiilka Qaddaafi iyo rag kale

  • 14 Abriil 2014
Image copyright Reuters
Image caption Wiilka Qaddaafi Sayef al-Islaam

Maxkamad ku taal xarunta Libya ee Tripoli ayaa go'aamisay in wiilka Qaddaafi, Sayef al-Islam iyo dad kale ay khadka video uga soo qaybgalayaan maxkamadda iyaga oo jooga magaalooyin kala duwan.

37 sarkaal oo horey uga tirsanaan jiray dowladda Qaddaafi oo uu ku jiro wiilkiisa ayaa loo heystaa dad ay laayeen xilligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Qaddaafi 2011.

Dacwadda maanta waxaa looga hadlayay dhinaca sharciga, waxaana dib loo dhigay ilaa 27 April, sababtoo ah 23 eedeysane ayaa joogay.

Qaadiga axkamadda Tripoli waxa uu go'aamiyay in Sayef al-Islam oo jooga Zintan lagula xiriiri kale khadka video-ga.

Eedeysanayaasha qaar ayaan la keeni karin Tripoli arrimo ammaanka awgood.

Qareenada qaar ayaa sheegay in aan loo soo gudbin waraaqaha dadkii ay difaacayeen.

Qareenada qaarkood iyo qoysaska dadka xiran ayaa iyaguna loo oggolaan waayay inay soo galaan maxkamadda.

Dadka dacwadda kula jira wiilka Qaddaafi waxaa ka mid ah madaxii hore ee Mukhaabaraadka dalka Libya Abdullah Senussi oo laga rabay maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ICC.