Ardey lagu afduubay Nigeria

Lahaanshaha sawirka afp
Image caption Dalka Nigeria waxaa dagaal ka wada kooxda Boko Xaaraam

200 oo gabdho dugsi sare ayaa dad weerar ku afduubeen. Waalidiinta gabdha ayaa sheegay in tiro gabdho ah lagu afduubey weerar lagu qaaday dugsi ku yaal waqooyi bari ee Nigeria.

Rag hubeeysan ayaa la sheegay in ay yimaadeen dugsigaa oo ku yaal magaalada Chibok, ee gobolka koonfureed ee Borno habeenkii la soo dhaafay, kaas oo gabdhahaa ay ku gureen 4 baabuur.

Waalidiinta ayaa u sheegay BBC's Hausa service ugu yaraan 200 oo gabdhood in la afduubey. Weerarka ayaa loo maleynayaa in ay ka danbeyeen kooxda Islaamiyiinta Boko Haram.

Malintii sabtidii, in ka badaan 70 qof oo joogey saldhig basas oo ku yaal duleedka Abuja ay dhinteen qaraxyadaas oo lagu eedeeyay kooxda Boko Haram in ay ka danbeeyeen. Boko Haram ayaa taageersan ololaha hubaysan in dawlad Islaami ah laga sameeyo waqooyiga Nigeria.

Weerarka oo ka dhacay gudaha Chibok waxaa xaqiijiyey booliiska deeganka, inkastoo aan lahaayn xaqiijinta afduubka.

Wariyaha BBC da Will Ross oo jooga magaalada Lagos ayaa sheegay in sannadkan kooxda dagaalyahanada Boko Haram dagaalo ay qaadeen ku dileen ilaa 1500 oo qof sadax ka mid ah gobolda waqooyiga bari ee Nigeria.