Doorashada madaxtinimo ee Aljeeriya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweyne Bouteflika oo markii afaraad u sharaxaan madaxtinimada dalkiisa

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay dhaleeceeyeen mas'uuliyiinta waddanka Aljeriya kaddib markii ay ciidammada dalkaasi kala eryeen dibadbaxyo loogaga soo horjeedo madaxweynaha dalkaasi Cabdulcasiis Bouteflika.

77- jirka ayaa markiisa afaraad u tartamaya xilka madaxweynaha, waxayna u badan tahay in uu ku guulaysto, waloow laga dayrinayo caafimaadkiisa.

Doorashada ayaa Aljeeriya ka dhici doonto berito oo Khamiis ah.

Xiisado ayaa ka taagan qeybo ka mid ah dalkaasi waxaana axsaabta mucaaradka ay ku baaqayaan in la qaadaco doorashooyinkaasi.

Doorashada ayaa qurbajoogta Aljeeriya u bilaabatay Sabtidii la soo dhaafay.

Su’aalo ayaa la iska waydiiyay habka ay dadkaasi codkooda u dhiibteen maadaama aysan intooda badan helin kaararkii ay ku codeyn lahaayeen.

Guddiga u qaabilsan ololaha doorashada musharax Ali Benflis oo ah midka ugu loolanka ugu adag ku hayo madaxweynaha haatan ayaa shaki ka muujiyay madaxbanaanida hannaanka doorashada ee qurba joogta gaar ahaan kuwa ku nool Faransiiska.

Ammaanka Aljeeriya ayaa la adkeeyay ka hor doorashada, gaar ahaan magaalada Ghardaïa halkaa oo iskudhacyo rabshado wato ay ku dhexmareen qowmiyadaha Carabta iyo Amazigh-da.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen iskudhacyo ay dad ku dhinteen, iyadoo booliskana ay xaalada wax ka qaban waayeen.

Amnesty international ayaa ku dhaleeceysay dowladda Aljeriya sida ay ula tacaashay dibad baxyada ka dhanka ah musharxnimada madaxweyne Bouteflika.

Shacabka dadkaasi ayaa u muuqdo in ay ka soo horjeedaan musharaxnimada madaxweyne Bouteflika, waxaana ay shucuurtooda ku muujinayaan baraha ay bulshada kuwada xiriiraan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan