Hindiya oo laga aqoonsaday dadka labeebka ah

Hindiya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka labeebka ee Hindiya

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ayaa aqoonsatay inuu jiro jinsi saddexaad oo aan ahayn ragga iyo dumarka.

Tani waxay micnaheedu noqonayaa in dadka labeebka ah la aqoonsaday oo ay noqonayaan nooca saddexaad ee bani'aadamka dalka Hindiya.

Maxkamadda oo ridday xukun aan noociisu horey loo arag, ayaa ku amartay dowladda dhexe iyo maammullada gobollada in labeebka ay ku daraan liiska dadka ka faa'idaysta adeegyada dowladda.

Dalka Hindiya waxaa ku nool 1.5 milyan oo ruux oo labeeb ah.

Waxay intooda badan u lebistaan sida dumarka.

Hindiya waxaa laga takooraa dadka labeebka ah, waxayna qaarkood ka heesaan arrosyada iyo xafladaha kale.

Balse intooda badan waxay ku nool yihiin noolal xun oo saboolnimo ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan