Britain oo malaayiin doolar ballanqaadday

Somalia Lahaanshaha sawirka Radio Mogadishu
Image caption Mark Simmons oo Muqdisho booqday

Wasiirka afrika ee Britain Mark Simmons oo booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay Muqdisho ayaa kulamo uu la qaatay madaxda dawladda Soomaaliya.

Waxa uu ku dhawaaqay taageero maaliyadeed oo gaaraysa 69 million oo giniga Ingriiska (oo kor u dhaafaysa 100 milyan oo doolar) oo dawladdiisu kaga taageerayso Soomaaliya dhinacyo ay kamid yihiin amniga iyo dawlad wanaagga.

Waxaa uu sheegay in 10 million oo gini oo uu sheegay in lagu caawin doono miletariga Soomaaliya halka 8 million lagu caawin doono booliska iyadoo.

Lacag gaaraysa 33 million waxaa lagu bixin doonaa nabad dhisida iyo dawladdaha hoose, halka 18 million lagu bixin doono dhisidda hanaanka isla xisaabtanka ee hay'adaha dawladda.

Dawladda Britain ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay dalkeeda ku qabatay labo shir oo caalami ah oo lagu taageerayo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Waa dalka kaliye ee ka tirsan midowga Yurub ee ay safaaradiisu ka furantahay Muqdisho.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan