Ciidanka Somaliland oo ka baxay Taleex

Somaliland Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo, ciidankiisa ayaa ka baxay Taleex

Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda ay kala baxday Taleex maalin kaddib markii ay halkaas qabsadeen iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay ku baaqeen nabad.

Ilaa haatan lama oga sababta ay ciidanka Somaliland ugu baxeen halkaas muddo 24 saacadood kaddib markii ay qabsadeen.

Goor sii horreysay ayay Puntland sheegtay inay ciidan u dirayso Taleex kaddib qabsashada Somaliland ee magaaladaas.

Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu xalliyo arrinta magaalada Taleex.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamauud ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in dhinacyada kala shaqeyso sidii xal loogu heli lkahaa arrintaas.

Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa sidoo kale ku baaqey in nabad lagu xalliyo khilaafka arrintaas ku saabsan.

Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqada ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Somaliland iyo kuwo ka socda Puntland, ee ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

Ciidammada Somaliland ayaa maalin ka hor sheegay inay qabsadeen magaalada Taleex, oo xarun u ahayd maammulka Khaatumo ee horey loogu dhawaaqay degaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Afhayeen u hadlay ciidamada milleteriga somaliland Korneyl Cismaan Cabdillaahi Saciid ayaa sheegay in ciidamada Somaliland -siduu hadalka u dhigay- qabsadeen magaalada Taleex.

Waxaa uu sheegay in degaankaas uu ka tirsan yahay xuduuda Somaliland.

Balse Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in deegankaas uu ka tirsan yahay dhulkeeda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan