Iska hor imaadyo ka dhacay Qudus

Qudus Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Iska hor imaadayadyo ka dhacay Qudus

Iskudhac ayaa markale ka dhacay meel u dhaw Masaajidka Al-aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.

Warar ayaa shegaya in iskudhacaasi uu yimid kaddib markii dad Yahuudda ah loo furay dhismo ka tirsan masaajidka si ay u booqdaan oo gudaha ugu galaan.

Falastiiniyiin mudaaharadayay ayaa billaabay inay dhagaxaan tuuraan, booliiskuna waxaa ay rideen xabado caag ah.

Waxaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen 30 ruux oo mudaaharadayaasha kamid ah.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax dhaawac ah oo laga soo sheegay dhanka Isra'iiliyiinta.

Dadka Yahuudda ah ee booqda dhankaas masaajidka waxaa walwal kaqaba Muslimiinta Falastiiniyiinta, iyagoo ka baqaya inay Yahuudda qabsadaan aagaasi.