Ukraine: Howgal ka dhan fallaagada

Lahaanshaha sawirka .
Image caption ciidamo ka tirsan militariga Ukraine oo ku sii socda bariga dalkaasi

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ukraine, Olexander Tuchynov, ayaa sheegay in uu bilowday howlgal argagixiso la dirir ah, kaasoo loogaga soo horjeedo maleeshiyaadka gooni u guusadka ah ee bariga dalkaasi ku sugan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saldhiga ciidamada cirka ee magaalada Kramatorsk laga xoreeyay wax uu ugu yeeray argagixiso.

Ku dhawaad toban xarumood oo ay dowladda ku leedahay magaalooyinka ku yaalla bariga Ukraine ayaa weli ku jira gacanta kooxaha gooni u goosadka ah.

Waxaa la rumeysan yahay in maleeshiyaad gooni u goosad ah oo taabacsan Ruushka, ay weli gudaha ugu jiraan xarunta.

Waxaa saldhiga kusoo degay labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Ukriane, halka taageerayaal badan oo ay leeyihiin maleeshiyaadka gooni u goosadka ahna ay xarunta kusoo xoomeen, iyaga oo ku qeylinaya in ciidamada Ukraine ay halkaasi ka baxaan.

Janaraal ka tirsan ciidamada Ukraine ee xarunta soo gaaray ayaa dadka kusoo xoomay u sheegay in ay goobta ka saarayaan argagixisada.

Taasi ayaa dhalisay in ay dadkii meesha joogay ku oryaan, waxaana cirka loo riday rasaas digniin ah.

Ku dhawaad boqol qof ayaa ku jira gudaha xarunta ciidanka, waxaana ay ku hubaysan yihiin dhalooyin laga buuxiyay walxaha qarxa.

Geed weyn oo ku yaalla afaafka hore ee saldhiga ayaa waxaa suran tabeelo lagu qoray "Rasaas ha ku furin shacabka Kramatorsk"

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan