S Korea: badbaadinta oo hakad lageliyay

Cimilo xun ayaa mugdi ka dhigay biyaha badda taasoo dhalisay inay adkaadaan baadigoob ka loogu jiro badbaadinta dhibanayaashii saarnaa doonta Koofurta Kuuriye ee quustay.

Madaxweynaha koofurta Kuuriya, Park Geun-hye, ayaa ku baraarujisay kooxaha badbaadiyayaasha inay degdegaan si ay u helaan qof badbaaday oo kamid ah rakaabkii doontii quustay. Doontaas oo ay saarnaayeen caruur iskuul dhigata,

Madaxweyne Park – oo la socoto markab ku dhow meesha ay doonta ku degtay, ayaa sheegtay in waqtiga uu degdegayo, ayna Qatar tahay daqiiqad iyo ilbiriqsi kastaa.

Sagaal qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, balse ku dhowaad 300 ayaa weli la la’yahay.

Kooxaha gurmadka ayaa la halgamaya, dabeylo xowli ka socdo iyo hirarka biyaha badda si ay u gaaraan doonta.

Doon kalluumeysi ayaa badbiidisay sadax qof oo biyaha badda ay qaadeen.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kabtanka doonta badda ku degtay

Wararka qaar ayaa sheegayo in doonta ay sabab un u quustay, balse ehelada rakaabka ayaa su’aalo kusaabsan doorka kabtanka soo gudbinaya.

Xarun boolis oo uu tagay Katanka ayuu u sheegay inuu kaxun yahay kuna ceebeysan yahay waxa dhacay.

Illaa iyo hadda, ku dhowaad 170 qof ayaa laga badbaadiyay shilka ku dhacay doonta ay saarnaayeen ardeyda u dhalatay Koofurta Kuuriya.