Somali warqado u qoray caruurta Suuriya

Image caption Ardeyda Dhadhaab oo warqado dhiira gelin ah u qoray caruurta qaxootiga ee Suuriya

Caruur yaryar oo Somali ah oo kunol xerada qaxootiga ugu weyn aduunka ee Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa fariimo dhiira galin ah udiray caruurta qaxootiga ah ee dalka Suuriya eek u jiro xeryaha dalka Urdun.

Da’yartan soomalida ah ayaa ku nool xerada qaxootiga ee dunida ugu ballaaran ee Dhadhab ee ku yaalla woqoyiga dalka Kenya, halkaas oo ay ku nool yihiin in kabadan 400,000 oo qoxooti ah, badankodu waxa ay kasoo carareen dagaalo, abaaro iyo cunta yari kajirtay wadanka Somalia 23-dii sano ee ugu dambeysay.

Haayadda caalimiga ah ee loo yaqaano Care International, ee ugu dadka qaxootiga ah siiso gargaarka aasaasiga ah, ayaa qabanqaabisay in caruurtaa soomaalida ah ay qalinka kula saaxibaan kuwa Suuriya ee ku nool xerada gaxootiga Urdun.

Caruurta Soomaalida ah ayaa soo jeediyay fariimo midnimo, wada jir iyo waano ah oo ay u direen walaalohoda dalka suuriya.

Badankood waxaa ay kahadleen muhiimada waxbarashada iyo cilmiga ee xerooyinka intey joogaan.

Image caption Hibo Maxamed oo ka mid ah ardeyda warqadda u diray Suuriya

Hibo Mohamed oo kamid ah caruurta somaaliyeed oo fariimaha diray ayaa qortay “Waxaan hubaa 100% in hadii aad waxbaratid oo aad dadaashid ugu dambeynti liibaani doontid, waxaan kuu sheegayaa in aadan rajo beelin, maxaa yelay 3 sano kaliya ayaad qaxooti tahay. Maxad u maleysay dadkii 20 sano kabadan qaxooti so ahaa?

Image caption Warqadda ay qortay Hibo
Image caption Mid kamid ah warqadaha la diray
Lahaanshaha sawirka b
Image caption Abshir Xuseen oo gacanta ku hayo warqadda uu qoray
Image caption Warqadda uu Abshir diray
Image caption Sahra Daahir Cali oo warqad u dirtay caruurta Suuriya
Image caption Warqadda ay Sahro dirtay

Jawaabta Suuriya

Caruurta qaxootiga ee Suuriya ayaa la gaarsiiyay dhammaan warqadihii ay qoreen caruurta Somalida ah eek u nool xeryaha Dhadhaab, waxaana warqad kastaa la socday sawirka ardeyga qoray.

Fariimaha si wanaagsan ayaa loo gaarsiiyay da’yarta Suuriya, ayay Tiri hay’adda Care international, wuxuuna intaa ku daray in caruurta Suuriya ay soo qorayaan jawaabta lana soo gaarsiin doono xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Image caption Caruurta Suuriya oo la gaarsiiyay warqadaha Dhadhaab laga diray
Image caption Mid kamid ah Warqadihii la diray
Image caption Mid kamid ah warqadaha la gaarsiiyay Ardeyda Suuriya
Image caption Gabar heshay warqadda ay Caruurta Somalida u direen