Wargeysyo internet-ka laga xiray Hargeisa

Somalia Lahaanshaha sawirka BBC online
Image caption Hargeisa

Wargeyska Haatuf ee maalinlaha ahaa iyo wargeyska kale ee Somaliland Times ee toddobaadkiiba af Ingiriisiga ku soo bixi jiray magaalada Hargeisa ayaa xalay laga xidhay barahoodii internetka.

Sidaa waxaa saxaafadda u sheegay gudoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Adam ayaa isna BBC u xaqiijiyay baraha internetka ee laga xidhay wargeysyadaasi.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu si kooban u sheegay in maxkamadda Hargeysa ku amartay sharikadaha isgaadhsiinta Somaliland inay xannibaan baraha internetka ee labadaa wargeys.

Wuxuu intaa ku daray in dacwaddi ka dhanka ah labada wargeys ka socoto maxkamada oo ku sabsan wax uu ku tilmaamay afllagaadeyn iyo ka been abuur madax ka tirsan Somaliland .

Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ku tilmaamay tallabadan lagu xidhay barihii internetka ee Haatuf iyo Somaliland Times mid lagu cabudhinaayo saxaafadda Somaliland iyo xorriyaada hadalka.

Wuxuu sheegay inay sii wadayaan mihnadooda saxaafadeed oo dhinaca baraha bulshada ay u wareegeen .

Wuxuu sheegay in sababaha loo xannibay saxaafadda Haatuf ay tahay iyagoo soo bandhigay musuqmaasuq uu sheegay inay galeen wasiirro ka tirsan Somaliland .

Sida laga warqabo 7-dii April ayaa ciidambada boliiska Somaliland oo fara badani albaabada u laabeen xaruntii wargeysyada Haatuf iyo Somaliland times .

Sidoo kale dabayaaqadii sanadkii 2013-ka ayaa boliisku albaabada u xiddheen wargeyskii maalinlaha ahaa ee Hubaal ee ka soo bixi jiray Hargeysa .