South Sudan: Dablay weerartay xero UN oo rayid ku jireen

South Sudan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka South Sudan ayaa sababay in boqolaal ruux ay ka qaxaan guriyahooda

Dhallinyaro hubaysa ayaa weerar ku qaadday xarun ay leedahay Qaramada Midoobay oo ay gabbaad ka dhigteen dad rayid ah oo ka soo cararay dagaalka sokeeye.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Bor, oo ah caasimadda gobolka Jonglei.

Mas'uul sare oo Qaramada Midoobey u qaabilsan South Sudan Toby Lanzer ayaa BBC-da u sheegay in tiro dad rayid ah lagu laayay weerar lagu qaaday xero ay Qaramada Midoobey ku leedahay Bor ee xarunta gobolka Jonglei.

Mr Lanzer ayaa sheegay in qiyaastii saddex boqol oo dhalinyaro ah ay soo abaareen xeradaasi, iyaga oo u muuqday in ay cabasho wateen balse markii dambe ay billaabeen in ay dadka halkaasi ku jiray toogtaan.

Mr Lanzer ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxa uuna ku tilmaamay mid fuleynimo ah.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay si taxadar leh u qaadeyso tallaabooyin haddii mar kale uu dhaco weerar noocaasi ah

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan