Malaysia: Raadinta diyaaradda oo adkaatay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Markab ka qeyb galayo raadinta diyaaradda la waayay ee Malaysia

Goobihii laga raadinayay diyaaradda la la’yahay ee Malaysia ayaa “xaalad adag galeyso” labada maalin ee soo socota, sida uu sheegay wasiir u hadlay dowladda Malaysia.

HXishaamudiin Xuseen, ayaa sheegay in gujis biyaha hoose loo diray uu shaqadiisa uu soo gebagebeynaayo isbuuca soo socdo gudihiisa.

Gujis ka lagu magacaabo Bluefin-21ayaa kol hore soo gebagebeeyay lix howlgal oo uusan waxba kusoo helin.

Mr Xuseen ayaa sheegay inay muhiim tahay hwolgalada diiradda lagu saarayo raadinta maalmaha Sabtida iyo Axadda.

"Xoojinta raadinta maanta iyo beri waxay yihiin kuwa xaalad halis ah ku jiro," ayuu yiri wasiirka.

"Waxaan ka codsanaayaa qof kasoo ku nool daafaha caalamka inuu soo duceeyo oo uu ku doceeyo inaan wax un helno labada maalin ee soo socota."

Iyadoo la adeegsanayo xogaha laga helay Dayax-gacmeedyada, waxaa la ogaaday in diyaaradda Malaysia ee la waayay inay ku dhameysatay safarkeeda badda galbeedka magaalada Perth ee dalka Australian.

Kooxaha raadinayo diyaaradda ayaa bilaabaya inay walxo u diraan meel hoose oo badda ah si ay wax un usoo helaan.

Diyaaradda Malaysia ayaa la waayay horraantii bishii Maarso ee sanadkan, kadib markii ay ka duushay magaalada Kuala Lumpur, waxayna kusii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha oo ay u sitay 239 qof.