Caqabad hortaagan heshiiskii Geneva

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madax ka qayb qaadatay shirka Geneva ee Ukraine.

Heshiis caalami ah oo maalintii khamiista ahayd lagu gaaray Geneva oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan dalka Ukraine ayaa durbaba waxaa soo wajahay dhibaato, iyadoo mareykanka uu ka digaya cunaqabatay hor leh oo lagu soo rogo Ruushka haddii uu dhaqangelin waayo heshiiskaasi.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa taleefoon kula xiriiray hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka kala tirsan dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Xubin ka tirsan waaxda arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegay in Mr Kerry uu ugu baaqay dowladda Ruushka in si buuxda oo deg deg ah ay ugu hoggaansanto heshiiskaasi.

Mr Kerry ayaa sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyay hoggaanka dalka Ukraine tallaabada ay u qaadeen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi.

Hawlwadeenada daacadda u ah Ruushka ayaa diiday in ay banneeyaan dhismooyin ay la wareegeen oo ku yaala bariga dalkaasi Ukraine, waxa ayna ku adkaysanayaan in hoggaanka sare ee dalkaasi uu marka hore is casilo oo uu xildka ka dego.

Dowladda ku meel gaarka ah ee Ukraine ayaa ku baaqday midnimo qaran isla markaana ballan qaaday in awoodda loo dhaadhicinayo qaybaha hoose ee bulshada.