Soomaali taayarka diyaaradda ku safray

Wiil dhallinyaro ah
Image caption Inta badan dadka ku dhuuntay taayarka diyaaradda hoostiisa ayaa dhintay

Will 16 sano jir ah oo nabad tegay kaddib markii uu hoos galay taayarka diyaarad, taasoo hawada ku jirtay muddo 5 saacadood ah ayaa haatan la ogaaday inuu yahay Soomaali.

Wiilka ayaa la sheegay in uusan ogayn halka ay u socotay diyaaradda, oo isagu uu u haystay inay u socotay Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wiilka uu doonayay inuu u tego hooyadii oo uu sheegay inay joogto Soomaaliya.

Dhowr maalmood ka hor, ayay diyaaradda ka soo baxday gobolka California, waxayna gaartay gobolka kale ee Maraykanka ee Hawaii.

Weriyaha BBC-da ee Minneapolis, Maxamad Xuseen Shiino, ayaa sheegay inay yaab noqotay in wiilkaas yar uu ka soo gudbay ammaanka adag ee gegida diyaaradda.

Balse wararka ayaa sheegaya in wiilka yar uu cidda ka soo cararay, oo uu ka soo booday dayrka gegida diyaaradaha ee San Jose.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay wiilka arkeen kaddib markii ay diyaaradda degtay.

Waxaa su'aalo weydiiyay laanta dembibaarista ee Mareykanka, ee FBI, oo baaritaan dhanka caafimaadka ah ku sameysay.

Takhaatiirta ayaa sheegay in caafimaadka wiilkaas uu wanaagsan yahay.

Afhayeenka shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay "in muhimadda ugu weyn ay tahay caafimaadka wiilkaas, oo si mucjiso ah ku badbaaday."

Afhayeen u hadlay laanta dembibaarista ee Mareykanka, Tom Simo, ayaa sheegay in willka uu "nasiib badan yahay maadamma uu nool yahay".

Waxa uu ka soo badbaaday jawiga aadka u qabow ee hawada sare, iyadoo diyaaraddu 12,000 mitir ay hawada u gashay.

Tan iyo sanadkii 1947-dii 100 ruux ayaa isku dayay inay taayarka diyaaradda hoosta ka galaan oo ay ku safraan, intooda badanna way dhinteen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan