Crimea: Hoggaamiyaha Tatar oo la mamnuucay

Lahaanshaha sawirka AFP Getty
Image caption Hoggaanka qowmiyadda Tatar

Golaha qawmiyada Tataar-ka ee Crimea waxaa ay sheegeen in hogaamiyihii qawmiyadooda laga mamnucay shan sano in uu kusoo noqdo gobolka Ruush ka kudarsamay.

Hogaamiyaha Tatar-ka Mustava Dzhemilev ayaa lagusoo waramayaa in ay arintani mamnuucitaan-ka kuwar galiyeen ciidamada ilaalada xadka, markii uu kasii baxayay Crimea ee uu kusii jeeday dhulwaynaha Ukraine.

Hada waxaa uu kusugan yahay Caasimada Yukrayn ee Kiev si uu oola kulmo madaxwayne kuxigen-ka maraykanka Joe Biden.

Mamnuucitaankani waxaa uu imaanaya maalin kadib markii madaxwaynaha Ruushka Valadamir Putin uu saxiixay sharci ogolaanaya in dib udajin loosameeyo qoomiyada Tataarka iyo kuwa kale ee lagatirada badan yahay.

Kuwaas oo uu sheegay in la baro-kiciyay wakhtigii Stalin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan