Maraykanka oo dhaleeceeyay doorashada Suuriya

Suuriya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dagaalka sokeeye ayaa dalka burbur weyn u horseeday

Xukuumadda Maraykanka ayaa si weyn u dhaleeceysay doorashada uu ku dhawaaqay madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad in ay dalkiisa ka dhici doonto 3-da bisha lixaad ee June.

Mareykanka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid jees jees ku ah dimuquraaddiyada.

Xoghayaha Qaramada Midoobay M Banki Moon ayaa isaguna canbaareyn u soo jeediyey qorshahaas isagoo sheegay in hadalka Asad uu burburinayo dadaaladii lagu raadinayey dib u heshiinta.

Bishaar Al Asad ayaa doonaya 7 sano oo kale in markii seddexaad ladoorto.

Qaanuunka dhawaan xukuumadda Suuriya diyaarisay ayaa shardi uga dhigaya cidda tartanka madaxtinimada ka qayb galaysa in 10-kii sano ee ugu danbeysay uu ku noolaa dalka suuriya, arrintaasi oo mucaaradka Suuriya ay sheegeen in iyaga loola jeedo maadaama ay dalka dibadda seddexdii sano ee ugu danbeysey uga maqnaayeen..

Nin ka tirsan mucaardka suuriya oo layiraahdo, Axmed Alqasiir, ayaa sheegay in ay wax dooranayaan oo kaliye taageerayaasha Asad.

Isaga oo intaasi raaciyey " haddii aana cuntadayda cuni karin sidee ayaan codkayga u dhiiban karaa"

Mas'uul ka tirsan baarlamaanka Suuriya ayaa sheegay in meelaha mucaaradku haystaan aan doorasho ka dhici doonin in kasta oo xukuumadda Asad ayna si rasmi ah warkaasi u shaacin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan