AU oo baareyso dembiyada South Sudan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rabshadaha South Sudan waxay isu badaleen isir

Midowga Afrika ayaa u saaray guddi soo baara dilalka ka dhacayey dalka South Sudan tani iyo markii ay dagaaladu ka bilawdeen halkaasi bishii decembar ee sannadkii tagay.

Dilalkii ugu dambeeyey ayaa si aad ah loo cambaareeyey, iyadoo la sheegay in la dilay boqolaal maalmihii la soo dhaafay.

Dadkii ugu dambeeyay ayaa lagu dilay Masaajid, Kaniisad iyo Cisbitaal ku yaalla magaalada saliidda qaniga ku ah ee Bentuu.

Dhanka kale, Meleteriga South Sudan ayaa sheegay inay qeybo kala duwan oo dalkaasi ah inay dagaal adag kula galeen kooxaha mucaaradka.

Afhayeen u hadlay meleteriga ayaa tilmaamay in ciidankooda ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan magaalada Mayoum ee katirsan gobolka Unity.

Wuxuu intaa ku daray in dagaalkii ugu adkaa uu ka dhacay gobollada Upper Nile and Jonglei.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dagaalka South Sudan ayaa sii xoogeysanaayo, mucaaradka waxay siiwadaan dagaalada

Dagaallada sii xoogeysanayo ayaa imaanayo, iyadoo qaramada midoobey ay cambaareysay dil wadareed ku saleysan isir oo la sheegay in ay ciidamo daacad u ah hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar ay ka geysteen magaalada Bentiu, halkaas oo ay ku dhinteen boqollaal qof.

Mucaaradka ayaa eedaasi iska fogeeyay. Balse wasiirka arimaha dibadda, Barnaba Benjamin, ayaa sheegay inuusan shaki ku jirin cidda ka dambeysay, oo uu ula jeeday kooxaha mucaaradka.

Waxa uu intaa ku daray wasiirka, in dadka la laayay ay megengelyo u galeen koobihii lagu dilay.