Nairobi: Qarax afar qof ku dhimatay

Image caption Qarax ka dhacay afaafka hore ee saldhig boolisk oo ku yaalla magaalada Nairobi

Gaari ayaa ku qarxay illinka laga galo saldhigga booliska ee Bangani ee magaalada Nairobi, xalay fiidkii.

Gaariga qarxay ayaa la soo qabtay, waxaana dabab socday oo ilaalinayay gaari boolisku leeyihiin oo doonayay inuu geeyo saldhigga si loo baaro.

Waxaana ku dhintay qaraxa laba askeri oo saarnaa gaariga booliska ee soo qabtay iyo laba qof oo ahaa kuwii lagu soo qabtay gaariga.

Waxyaabo kaloo qarxo ayaa laga helay gaariga gudihiisa, si nabad gelyo ah ayeyna ciidamada ku qarxiyeen.

Taliyaha booliska ee Kenya David Kimaiyo oo booqday goobta qaraxa ayaa u xaqiijiyay warbaahinta, geerida afar qof.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay BBC in qaraxa uu aad u xoog badnaa, taasina ay sababtay in daqiiqado ay ku qaadato in booliska ay meesha soogaaraan oo ay eegaan waxa dhacay.

Burburka gaariga qarxay ayaa ku daatay dhammaan hareeraha wadada.

Qaraxa ayaa imaanayo iyadoo amniga dalka Kenya aad loo adkeeyay.

Booliska Kenya ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waday howlgalo ay ku qabqabteen dad u badnaan soogalooti sharcidaro ah.

Tallaabadaas ayey ku sheegeen in amniga lagu sugayo, waxaana dib loogu ceilyay xeryaha qaxootiga dadbadan badan iyadoo kuwa kalana dalka laga musaafiriyay.