Obama oo Shiinaha uga digay "jasiiradaha Japan"

Obama Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Obama ayaa booqasho ku joogo dalka Japan

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa uga digay Shiinaha in jasiiradaha lagu muransan yahay ee xadka Japan iyo Shiinaha lagu ilaalinayo isbahaysiga militari ee uu Japan-ka la leeyahay Maraykanka.

Jasiiradaha waxaa maammulo maamusho dowladda Japan, waxayna ku yaallaan Bariga Badda Shiinaha

Barack Obama ayaa ku celiyay mowqifka dowladda Maraykanka, maalintii labaad ee booqashada uu ku joogo Tokyo, taasoo u muuqato in ay tahay fariin cad oo uu u dirayo Beijing.

Doomo ay leeyihiin ciidammada badda ee Shiinaha ayaa si isdabajoog ah caqabad ku ahaa gacan ku haynta Japan ee biyaha ku xeeran jasiiradaha lagu muransan yahay.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Beijing ay mar kale ku celisay sheegashada Shiinaha ee lahaanshaha jasiiradahaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan