Isra'il oo diidan heshiiska Xamas

  • 25 Abriil 2014
Ra'iisul wasaaraha Isra'il Netanyahu

Isra’iil waxaa ay sheegeysaa in wadahadaladii bariga dhexe ay sii socon karaan oo kali ah, hadiii dawlada Falastiin ay kanoqoto heshiiskii ay lagasahay Xamaas.

Ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu waxaa uu BBC-da u sheegay in hogaamiyeyasha Falastiin ay laheshiiyaan Isra’il ama ay la heshiiyaan xamaas. Laakin aysan labadaas isku heleynin.

Arbacadi, Fatax iyo Xamaas, waxay sheegeen inay isku raaceen in la dhiso dowlad midnimo ah, Todoba sano kadib oo kala qeybsanaan u dhexeysay.

Maraykanku waxaa ay ku baaqeen in laisusoo dhawaado. Mar uu ka hadlayay Washinton, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu bogaadiyay wadashaqeyn.