S Sudan: Tallaabo laga qaadayo dhinacyada

Image caption South Sudan oo laga soo sheegayo in dagaalkeeda uu weji kale yeeshay

Xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa ka fiirsanaya cunna qabateyn lagu soo rogo dhinacyada isaga soo horjeedo South Sudan.

Hadalo ay jeediyeen kadib markii golaha lagu wargeliyay xaaladda sixumaaneyso, safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobey Samantha Power ayaa shegay in beesha caalamka ay tallaabo ka qaadeyso kuwa bartilmaameedsanaya dadka rayidaka ah iyo kuwa siihuriyana xaaladaha siyaasadda.

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay eegayaan cunnaqabateyn lagu soo rogo dadka masuulka ka ah qalalaasaha.

Madaxa ciidamada nabad ilaalinta ee qaramada midoobey ayaa kol siihoreysay cambaareeyay labada dhinac eek u dagaalamaya South Sudan.

Wuxuuna sheegay inaysan dooneyn inay kawadahadlaan arrimaha nabadda.

Dhowaanahan waxaa dalka South Sudan laga soo sheegayay dagaalo sii xoogeysanaayay, kaasoo ay ku dhinteen tabannaan qof oo la bartilmaameedsaday.

Dhammaan dadka ladilay ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen bartilmaameed isir kusaleysan.

Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir ayaa shaqada ka ceyriyay taliyii ciidamada maalintii arbaca, kadib markii laga qabsaday inta badan magaalooyiinka hodonka ku ah saliidda.

Dagaalka iyo qalalaasaha South Sudan ayaa bilowday bishii December.