UN oo cabaareysay dhinacyada Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gawaarida UN oo gargaar gaarsiinayay dadka Suuriya

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ayaa sheegay in golaha ammaanka ay waajib tahay inay tallaabo ka qaadaan wax uu ugu yeeray dhibaateyn cad oo xeerka caalamiga ah ay ku hayaan dhinacyada iskuhaya dalka Suuriya.

Ban Ki-moon ayaa sheegay inay ceyb tahay in nus milyan qof lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda iyagoo aan helin gargaar bini’aadamnimo.

Wuxuu sheegay in dadka ay maalinkastaa u dhimanayaan wax aan macno lahayn.

Xoghayaha ma cadeyn waxa ay tahay tallaabada uu golaha qaadayo, marka ay kawada hadlaan xaaladda , isbuuca soo socdo.

Heshiikii laba bilk a hor ay la saxiixay waxa uu dhigayay in dowladda gaar ahaan ay ogolaato in adeegga kaalmada lagaarsiiyo meelaha dagaalada ay ka socdaan iyo xuduudaha.

Lahaanshaha sawirka d
Image caption waa wiiil yar oo Suuriya u dhashay oo fadhiya bac ay ku nool yihiin

Hadalka uu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ayaa noqonayo kii ugu xoogga badanaa ee laga maqlo.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhinacyada ku dagaalamaya Suuriya aysan dooneyn in ay fuliyaan heshiikii ay saxiixeen.

Baaqii golaha eel aba bilk a hor wuxuu ahaa in laga qaado go’doominta dhammaan meelaha ay dadka rayidka ah degan yihiin, ayuu yiri ban Ki-Moon oo intaa ku daray inaan la dhageysan baaqa.

Dowladaha Britain, America iyo Faransiiska ayaa isla eegaya xal kaloo dheeraad ah oo lagu ciqaabi karo maamulka Bishaar Al-Asad, balse waxaa hor istaagaya tallaabadaasi maamulka Ruush-ka.

Dowladda Ruushka ayaa hoos ay ku gabato u noqotay dowladda Suuriya marka ay galaha ammaanka ay ka doodayaan.