Ukraine: Mareykanka oo u hanjabay Ruush

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption John Kerry oo la taagan wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay inay masuul ka tahay rabshadaha sii kordhaya ee bariga dalka Ukraine, wuxuuna ku caga jugleeyay haddii Ruushka aysan badalin dhaqanka in xukuumadda Washinton ay cunna qabateyn kale saari doonto.

Hadal aan looga baran oo toos ah, ayuu Mr John Kerry ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay ku guul dareysatay fullinta heshiiskii Geneva ayna sameysay sheegashooyin ceyb ah oo ay ku sheegeyso in Ukraine ay ka dabeyso qalalaasaha.

Mr Kerry ayaa sidoo kale tilmaamay in wararka sirdoonka ay sheegayaan in Ruushka uu hubeynayo, dhaqaale siinayo, lana shaqeynaya kooxaha hubeysan ee magaalada Donetsk iyo magaalooyin ka kale.

Kol hore, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inuu ku qasbo maamulka Ukraine inay joojiyaan howlgalada meleteri.

Ciidamada Ruushka ee kusugan xadka Ukraine ayaa lagu amray inay billaabaan dhaqdhaqaaqyo meleteri.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa amarkaasi jawaab uga dhigaya ficilada dowladda Ukraine oo weerartay fariisamo ay sameysteen taageerayaasha Ruushka ee kusugan bariga dalkaasi, halkaasi oo ay ku dhinteen shan qof.