Somalia lack of rains
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad harraad ugu dhintay Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Soomaali jiilaalku saameeyay

Meelo ka mid ah gobolka Gedo, gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Puntland iyo Somaliland waxaa laga soo sheegay in lagu qabtay isu-soo baxyo duco iyo Alla bari roobdoon ah kaddib markii jiilaalkii dheeraaday oo biyo yaraan xoog leh ay dhacday.

Deegaannada qaar waxaa laga soo sheegay in dad harraad u dhintay ay jiraan. Waxaa ka mid ah degaanno ka tirsan gobolka Galguduud.

Mohamed Adan Rooble oo ka mid ah odayaasha Guri-ceel ayaa BBC uga warramay dadaal dadka dhibaateysan loogu gurmanayo.

Khadka telefoonka waxaa kula hadlay Farxaan Maxamed Jimcaale oo weydiiyay xaaladda biyo la'aanta sida ay hadda tahay.