Morgan Tsvangirai oo xilka laga qaaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee dalka Zimbabwe

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka dalka Zimbabwe ee MDC ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyay hoggaamiyaha xisbiga ee Morgan Tsvangirai oo uu xisbigu ku eedeeyay waxa uu ku tilmaamay guuldarro dhanka hoggaanka ah.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday MDC ayaa ku eedeysay Tsvangirai in uu xisbiga u baddalay mid isaga u gooni ah iyo in uu ku guuldarreystay muujinta hoggaan macquul ah oo baddali kara xukunka madaxweyne Robert Mugabe.

Tsvangirai ayaa waxaa doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2013 ka badiyay Robert Mugabe kaddib markii uu ra’iisalwasaare ka soo noqday dowladdii wadaagga ahayd.

Weriya ka tirsan BBC-da oo jooga Zimbabawe ayaa sheegaya in xisbiga MDC uu u muuqdo mid ku socda kala jab, taasi oo haddii ay dhacdo sii xoojin doonta xukunka madaxweyne Mugabe.