Muslimiin ka qaxaya Bangui

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar ka mid ah muslimiinta dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo qaxaya.

Kolonyo baabuur ah oo ay saaran yihiin in kabadan 1200 oo qof oo Muslimiin ah isla markaana ay galbinayaan ciidamo aad u hubeysan ayaa ka ambabaxay magaala madaxda dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ee Bangui.

dadka oo lagu sheegay in ay yihiin dadyowgii muslimiinta ahaa ee ugu dambeeyay ee ku haray Bangui ayaa ka baxay magaalada iyaga oo hantidooda ku rartay ku dhawaad 18 baabuur oo ah kuwa xammuulka.

Kolonyadani baabuurta ah ayaa la rumaysan yahay in ay ku wajahan yihiin woqooyiga dalka, waxaana galbinayay ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan kuwa Faransiiska iyo ciidamada Afrikaanka ee nabad ilaalinta.

Ciidamo ka kala socda Faransiiska iyo midowga Afrika ayaa isku dayaya in ay kala dambeyn ku soo celiyaan dalkaasi, xilli ay halkaasi jirto xasillooni darro.

Xiisadaha dalkaasi ka jira ayaa waxaa ku naf waayay kumanaan qof, waxaana ku barakacay in kabadan hal milyan oo qof.