Chelsea iyo Sunderland oo guulaystay

Lahaanshaha sawirka Getty

Chelsea 2-0 ayay uga takhalustay Liverpool oo weli ugu horreysa dhibcaha tartanka horyaalka. Chelsea weli waa kaalinta labada laakiin waxay soo yareysay dhibcaha laga horreeyo oo hadda ah laba dhibcood oo keliya.

Sunderland iyo Cardiff oo labaduba ka mid ahaa saddexda kooxood ee xagga dhibcaha ugu hooseeya 20-ka kooxood ee tartanka ku jira, waxaa 4-0 looga badiyay Cardif oo toban ku ciyaareysay kaddib markii hal ciyaartoy laga saaray.

Sunderland way ka soo baxday kaalintii 3-da hoose waxayna timid 17aad.

Crystal Palace waxay la ciyaareysaa Manchester City oo waqtiga daabacaadda qoraalkan ay 2-0 ku horreyso Manchester City waqtiga nasashada ee qaybta 1aad ee ciyaarta, ayna u badan tahay inay saddexda dhibcood la hoyato.

Natiijada waxaad ku maqli doontaan barnaamijkeenna caawa.

Ciyaaryahan hore ee xulka qaranka Ingiriiska, Alan Hansen oo hadda ciyaaraha ka faallooda waxaa uu leeyahay Ryan Giggs waxaa uu heli doonaa taageero ballaaran inuu noqdo maamulaha Manchester United haddii ay badiyaan ciyaaraha u harsan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan