Boqolaal lagu maxkamadeynayo Masar

Image caption Banaanka hore ee maxkamad ku taalla waddanka Masar oo ay dad ku mudaharaadayaan

Maxkamad ku taalla magaalada Minya ee waddanka Masar ayaa maanta la filayaa in ay soo saarto xukunkii ugu dambeeyay oo lagu ridayo 529 eedaysane, oo loo haysto in ay taageero u yihiin ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka.

Eedaysanayaasha ayaa bishii la soo dhaafay ay maxkamadi ku xukuntay dil, waxaana loo haystaa in ay dileen askari boolis ah intii ay socdeen rabshadaha bishii Agoosto. Xukunkaasi ayaa kiciyay dhaleecayn ballaaran oo caalami ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale la filayaa in ay xukun ku riddo 700 oo nin oo kale, kuwaasi oo loo haysto eedo noocaas oo kale ah.

Xukunka dilka ah ayey maxkamadu shaacisay bishii Maarso ee la soo dhaafay, kaddib markii ay dhageysiga dacwada socotay mudo saacad ah.

Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa loo diiday in ay maxkamadda soo galaan, sidoo kalana looma akhrin eedaysanayaasha eedaha loo haystay.

Kiiska ayaa loo gudbiyay muftiga ugu sarreeya ee Masar - oo ah mid ka mid ah madaxda diinta ee dalkaasi - balse argatidiisa ku aadan go'aanka maxkamadda ayaanan aheyn mid wax badeli karta.

Dadka dilka lagu xukumay ayaa waxaa ka mid ah laba wiil oo 17 jirra ah, nin curyaan ah oo lagu riixayo gaariga curyaamiinta, iyo qareen matalayay qaar ka mid ah eedaysanayaasha ka hor inta aanan isaga la xirin.

Qareenada difaaca ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka xitaa haddii ay maxkamadda ku adkeysato.

Qaar ka mid ah dadka ku xeelka dheer arrimaha sharciga ayaa saadaaliyay in eedaysanayaasha dib loo maxkamadeyn doono.

Maxkamadda ayaa sidoo kale maanta ridi doonto xukunka 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay taageero u yihiin xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka.

Hogaamiyaha ruuxiga ee xisbigaasi Maxamed Badiic, ayaa ka mid ah dadka loo haysto in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyadii rabshadaha watay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan