Gabdhihii la afduubay ee Nigeria oo "xoog lagu guursaday"

  • 29 Abriil 2014
Nigeria Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ehellada gabdhaha la afduubay dalka Nigeria

Labo toddobaad kaddib markii iskuul laga afduubay ku dhawaad 200 oo gabdhood dalka Nigeria, ilaa haatan dowladda lagama hayo war rasmi ah.

Balse waxaa jiro warar sheegaya in la iibsaday oo guur lagu qasbay

Gabdhahan ayaa laga af-duubay iskuul ku yaalla gobolka woqooyi bari dalka Nigeria ee Borno.

Waxaa soo baxaya warar isa soo taraya oo sheegaya in la arkay gabdhahaasi oo lagu daabulayo basas isla markaana loo sii wado xudduudaha dalalka deriska ah ee Cameroon iyo Chad.

Xubin ka tirsan guddi ka kooban dad rayid ah oo loo xil saaray arrinta gabdhahani isla markaana la shaqaynaya boliiska iyo militeriga dalkaasi ayaa weriya ka tirsan BBC-da u sheegay in gabdhahaasi dhowr jeer la arkay.

Waxa uu sheegay in Islaamiyiintu ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada militeriga dalkaasi oo loo diray dhulka miyiga ah si ay u soo ogaadaan xerada lagu hayo gabdhahaasi.

Waxaa loo maleynayaa in gabdhahaas lagu hayo keynta Sambisa ee woqooyi bari dalkaasi Nigeria.

Goor sii horreysay ayaa nin odey-dhaqameed ah oo ka soo jeeda deegaanka uu ku yaalo iskuulka gabdhahani laga qafaashay ayaa BBC-da u sheegay in gabdhahaas qaarkood ay rag ku iibsadeen lacag dhan 15 doolar dalka Cameron, oo haatan ay raggaas xoog kula degan yihiin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan