Brunei oo shareecada Islaamka lagu soo rogay

  • 30 Abriil 2014
Brunei Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boqorka Brunei Xaaji Xasanal Bolkiah ayaa soo rogay Shareecada Islaamka

Boqorka Brunei ayaa soo saaray wareegto uu dalkaas ugu soo rogay Shareecada Islaamka.

Waxaa la sheegayaa in sharcigaas uu qeyb ka yahay in dadka gacmaha laga gooyo, isla markaana dhegax lagu dilo.

Qorshaha ah in sharcigan la soo rogo ayaa lagu dhawaaqay sanad ka hor, balse dib ayaa loo dhigay.

Sharcigan cusub ayaa sidoo kale dhigaya in qofka tegi waayo Salaadda Jimcaha, la ganaaxi doono ama la xiri doono.

Dhaqangalka qeybta labaad ayaa waxaa ka mid ah in dadka Khamriga cabo la karbaasho, tuugadana gacmaha laga guro.

Dadka gaysta gogol-dhaafka iyagoo horey u guursaday ayaa dhegaxan lagu dili doonaa.

Boqor Xaaji Xasan Bolkiah ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid ka yimid dhanka Alle.