Lahayste laga sii daayay Bariga Ukraine

Lahaanshaha sawirka AFP

Waxaa la sii daayay nin ka mid ah koox dul ka eegayaal reer Yurub ah, kuwaasi oo ay koox gooni u goosad ah oo taabacsan Ruushka ay ka afduubtay magaalada Bariga Ukraine ku taalla ee Sloviansk.

Dul ka eegaha milatari ee u dhashay Sweden ayaa la aaminsan yahay in uu qabo xanuunka macaanka, waxaana la arkayay isaga oo markii la sii daayay lagu qaaday gaari uu leeyahay ururka ammaanka iyo iskaashiga Yurub ee magaciis loo soo gaabiyo OSCE.

Balse waxaa weli la haystayaal ah xubnihii kale ee la socday, iyada oo ay socdaan dadaalo diblomaasi oo ballaaran, oo ku aadan sii deyntooda.

Mar sii horreysayna, dul ka eegayaasha ayaa loo soo bandhigay warbaahinta iyaga oo ku sugan magaalada Sloviansk.

Mid ka mid kuwa la haysto ah oo lagu magacaabo Axel Schneider, ahna korneel Jarmalka u dhashay, ayaa sheegay in kooxdiisa ay wadeen howlo diblomaasiyadeed, isla markaana aanay wax hub ah sidan.

Ururka OSCE ayaa waxaa gudaha Ukraine ka joogo tiro badan oo dusha ka eegayaal ah, kuwaasi oo uu uu ogolyahay Ruushka.

Balse kooxda hadda la haysto, ayaa ka socda wadamo khaas ah oo OSCE ka tirsan gaar ahaan Jarmalka, Poland, Sweden, Jamhuuriyadda Czech iyo Denmark, balse ay marti qaaday xukuumadda Kiev.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan