Duqa magaalo gooni u goosad ah oo la dhaawacy

Ukraine Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammo taageersan Ruushka ayaa la wareegay magaalooyin ku yaalla bariga Ukraine

Duqa magaalada Khirkiv ee dalka Ukraine ee taageersan Ruush-ka ayaa la toogtay si xuna u dhaawacmay.

Xafiiska Duqa magaalada ayaa sheegay in Genadiy Kernes uu galay labo saacadood oo qalniin ah kaddib markii ay dhabarka ka toogteen rag hubaysan oo aan lagaranayn.

Maamulaha isbitaalka dabiibaya ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayaan isla markaasna ay dhibaato soo gaadhay qaar ka mid ah xubnihiisa.

Kernes waxa isku siyaasad ahaayeen madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Ukraine Viktor Yanukovych.

Mar sii horraysay rag hubaysan oo Ruush-ka taabacsan ayaa qabsaday dhismayaal dawladdu leedahay oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada bariga ku taalla ee Kostayantaynivka.

Dhacdadaasi waxaa ay timid iyadoo ay weli socoto isku daygii lagu sii daynayay 12-kii kormeere oo shan kamid ah ay Ukraine u dhasheen, kuwaas oo ay haystaan dadka Ruushka taageersan.