Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

12 qof lagu xiray Puntland

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay soo qabteen rag iyo dumar ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al shabaab.

Taliyaha Qeybta Baliiska Gobalka Beri , Abdiraman Cali Cabaas ayaa BBC-da u sheegay in nin rabay in uu wax qarxiyo xalay uu isagu ku dhaawacmay bamkiisa magaalada Boosaaso.

Dadka kale ayaa laga soo qabtay guriga uu ninkan magaalada ka daganaa, baaritaano ayaa ku socda dhamaantood.

Maxammed Maxammuud Cadde ayuu u waramay taliyuhu