Dibebax ka dhan ah gabdho la afduubay

Nigeria
Image caption Dibedbaxyo dheeri ah ayaa la filayaa inay ka dhacaan Nigeria

Dalka Nigeria waxaa la filayaa inay ka dhacaan dibedbaxyo dowladda loogu baaqayo in ay qaaddo tallaaboyin ay ku badbaadineyso 200-oo gabdood oo ay afduubeen kooxda Boko Xaraam.

Gabdahaan daa’da yar ayaa laga afduubtay dugsigii ay dhiganayeen oo ku yaala tuulo ku taala waqoyi bari Nigeria laba toddobaad ka hor.

Dowladda Nigeria ayaa si weyn loogu eedeeyey in arintaasi aanay ka qaadin lallaabadi ku habbooneyd si loo soo badbaadiyo.

Dibadbaxayaasha ayaa tegi doono dhismaha barlamaanka halkaasi oo ay u gudbin doonaan warqad ay ku dalbanayaan in xukuumadda ay ku dhaqaaqdo tallaabo lagu soo furanayo gabdhaha la qafaashay.

Kooxda Islmiga ee Boko Xaraam ayaa loo haystaa in ay afdubeen gabdhahaasi .

Wariyaha BBC-da ee Nigeria ayaa waxaa uu sheegayaa in waqooyiga bari ee Nigeria aanay joogin ciidan milateri oo ku filan, taas oo u suuragalisay kooxdaasi inay halkaas ka howlgalaan.

Mid ka mid ah odayaasha tuulada gabdhaha laga afduubay ayaa sheegay in gabdhahaasi guur lagu qasbay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan