Madrid oo ku barbaratay Munich

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cayaartii dhex martay Bayern Munich iyo Real Madrid

Kooxda haysata koobka Horyaalada Yurub, ee Bayern Munich, ayaa waxaa dhulka ku dartay oo si lama filaan ah uga adkaatay kooxda Real Madrid, kaddib markii ay xalay ku kulmeen lugta labaad ee nus dhamaadka koobka Uefa Champions League-ga.

Bayern Munich oo garoonkeeda ku dheelaysay ayaa waxaa lagu dubtay 4-0.

Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa kala qeybsaday goolasha oo midba laba ayuu dhaliyay.

Sergio Ramos ayaa laba gool waxa uu ku dhaliyay madaxa, Cristiano Ronaldo ayaa ku saddaxeeyay gool weerar celin ahaa, halkaana waxa ay qeybtii hore ku soo gebagebowday 3-0.

Markii la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaartana, wax badan isma aanay badelin iyadoo daqiiqadihii ugu dambeeyayna uu Ronaldo ku soo khatimay bulisoon ama laad xor ah oo uu dabamariyay goolhaye Manuel Neuer, halkaana ciyaartii waxa ay ku soo dhamaatay 4-0, taasoo ka dhigtay in Real Madrid ay labada lugood ku dhameysatay guul ah 5-0.

Guuldarada ayaa waxa ay ceeb ku aheyd kooxda Bayern, oo sanadkii hore ku xaaqday 7-0 kooxda ka la liicin waayay ee Barcelona celcelis ahaan labadii ciyaar ee ay dheeleen, ka hor inta aanay ka badin kooxda ay isku waddanka yihiin ee Borussia Dortmund, halkaana ay ku qaaday koobkeedii shanaad.

Lahaanshaha sawirka a
Image caption Ronaldo oo u dabaal degaya gool uu xalay dhaliyay

Cristiano Ronaldo ayaa rikoor cusub u sameeyay horyaalka, kaddib markii uu dhaliyay 16 gool 10-kii ciyaar ee uu dheelay sanadkan, waxa uuna laba gool ka kormaray ciyaaryahanadii rikoorkan horay u haystay ee Lionel Messi oo 14 gool u dhaliyay kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkii (2011-2012), Ruud van Nistelrooy ayaa sidoo kale kooxda Manchester United u dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkii (2002-2003) iyo ciyaaryahankii kooxda AC Milan ee Jose Altafini oo goolal intaa la mid ah u dhaliyay kooxdiisa xilli ciyaareedkii (1962-1963).

Ronaldo ayaa waxa uu sidoo kale sameeyay rikoor cusub kaddib markii uu ciyaaraha heerka kala baxa ee Horyaalada Yurub uu dhaliyay 33 gool, taasoo laba gool uu kaga hormaray ciyaaryahan Messi.

Real Madrid ayaa markii ugu horreysay gaartay kama dambeysta koobka Horyaalada Yurub tan iyo 2002-dii, markaa oo si layaab leh ay Real Madrid kaga soo baxday nus dhamaadka kooxda Bayern Munich oo haysatay koobka markaa loo tartamayay, weliba habka goolka martida.

Ciyaarta kama dambeysta ah ayaa Real Madrid waxa ay ka hor iman doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee caawa ku ciyaari doona magaalada London, ee kala ah Chelsea iyo kooxda uu Real kala dhaxeeyo xifiiltanka ee Atletico Madrid.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan